Diyaaradaha Kenya oo Duqeeyey Fariisimo ay Al Shabaab ku Leeyihiin Jubbada Hoose

Warar nasoo gaaray ayaa sheegaaya in degaano u dhow dhow magaalada Kismaayo la duqeeyay oo ay halkaasi Al-Shabaab Saldhigyo ay lahaayeen inta badan ka dhaceen Duqeyntaan sida lasheegay.

Meelaha la duqeeyay ayaa waxaa kamid ah inta u dhexeesa Magaalada Kismaayo iyo Afmadow halkaaso oo ay Salsdhigyo kuleeyihiin Al-Shabaab lala bartil maameedsaday inta badabn duqeentaan sida ay inoo xaqiijiyeed dadka degaanka.

Difaacyadii ugu waaweynaa ee laduqeeyay ayaa waxaa kamid ahaa oo ay Shabaabku lahaayeen Buulo Gaduud iyo Degaanka Birta Dheer halkaas oo ay Shabaab kuleeyihiin difaacyo cul culus.

Buulo Gaduud ayaa qiyaastii waxa ay Magaalada Kismaayo u jiraa 30-KM iyadoona Madaafiicdii lagu garaacaayay laga maqlaayay Gudaha Magaalada Kismaayo sida ay inoo sheegeen dadka Degaanka.

Wararka aan ka helayno dadka deegaanka waxay soo sheegaayaan in uu khasaare kasoo gaaray dagaalyahano katirsan Al shabaab oo ku sugnaa fariisimada la duqeeyey galabta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here