Diyaaradaha Kenya oo duqeeyey Dakad ku taala deegaanka Kudhaa

Wararka naga soo gaaraha deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in diyaarado ay leeyihiin milatariga Kenya ay duqeeyeen meel dakad macmal ah oo laga dhoofiyo dhuxusha.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in diyaaradaha oo ahaa sadex diyaaradood ay beegsadeen dakadaasi oo ah dakad macmal ah xiligaaasi oo goobta laga rarayey dhuxul, waxa uu intaasi ku daray in ay duqeynta ku dhaawacmeen 10 ruux.

Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa intooda badan loo qaaday magaalada Kismaayo waxaana sadex ka mid ah la sheegay in xaaladooda caafimaad ay aad u liidato.

Dhanka kale diyaarado dagaal ayaa iyana duqeeyey shalay gelenki danbe saldhigyo ay Al Shabaab ku lahaayeen gobolka Gedo.

Diyaaradahaan oo loo maleynayo in ay leeydahay dowlada Kenya ayaa beegsaday saldhigyo ay Shabaab ku lahaayeen deegaanada buuraleyda ah ee gobolka Gedo kuwaasi oo kenyanka ay doonayaan in ay ka saaraan.

Gudoomiyaha gobolka Gedo ee dowlada KMG Soomaaliya Maxamed Cabdi Kaliil ayaa u sheegay wariyaasha in uusan ka war heyn qasaaraha duqeynta balse ay dib kasoo sheegi doonaan.

Milatariga Kenya ayaa labadi maalin ee lasoo dhaafay dagaalo ka waday qeybo ka mid ah gobolka Gedo oo ay kula dagaalameen Al Shabaab, waxaana hadafkoodu uu yahay sidi ay AL Shabaab uga qabsan lahaayeen deegaanada ay hada kaga suganyihiin gobolka oo ay ugu weyn tahay Baardheere.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.