Diyaaradaha is wada ee Mareykanka oo duqeeyey Waqooyi Bari Pakistan

Saraakiisha muqaabaraadka Pakistan ayaa xaqiijiyey in diyaaradaha Drone-ka dalka Mareykanka ee is kaxeeya ay duqeeyeen gobolka waqooyibari dalka Pakistaan ee ku yaala xuduudka Afghanstan halkaas oo ay ku badanyihiin maleeshiyo beeleedyada ia xakuma.

Weerarka oo lagu dilay sagaal ka mid ah dagaalyahanada Talipan ayaa ka dhacay deegaanka Spalga ee Waqooyiga Waziristan sida uu xaqiijiyey sarkaal diiday in magaciisa lasoo xigto.

Dadka dhintay waxa ku jira dagaalyahano ka tirsanaa Talipan iyadoo goobaha la beegsaday ay xoog ku leeyahay hogaamiye qabiil oo lagu magacaabo Hafiz Gul Bahadur kaasi oo caan ku ah la dagaalamida ciidamada kusoo duulay dalka Afghanistan.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa kor u dhigay duqeynta dhinaca cirka ah ee ka dhanka ah Taliban iyo al-Qaida gaar ahaan deegaanada ku yaala xadka Pakistan iyo Afgahanstan ee ay maamulaan qabaa’ilka.

Weerarada ay Marekanka ka wadaan Pakistan ayaa sababay in xiriirka labada dal uu hoos u dhaco, iyadoo dowlada Pakistan ay xirtay xarun ay ka duuli jireen diyaaradaja dagaalka Mareykanka oo ku taala Pakistan sanadki lasoo dhaafay.

Taasi waxay ka danbeysay marki ciidamo Mareykan ah ay si ula kac ah u duqeeyeen xarun ay ciidamada Pakistan ku lahaayeen xadka Afganstan halkaas oo lagu dilay 24 askari oo Pakistaniyiin ah 26-ki November.

 
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.