Diyaaradaha dagaalka Srael oo markii 2aad weeraray Syria

Qaraxyo waa weyn ayaa xalay gil gilay magaalada Dimishiq, kuwaasoo u muuqday weeraro ay fuliyeen diyaradaha dagaalka ee Srael oo bartilmaameedsanayay gudaha dalkaasi Syria.

Wakaalada wararka u faafisa doowlada Syria, ayaa sheegtay in gantaalaha Srael ay ku qarxeen xaruunta baarista milatariga ee duleedka magaalada Dimishiq.

Ilo laga soo xigtay sirdoonka shi sheeyaha ayaa sheegaya in Srael ay garaacday gantaalo casri ah oo ay sameysay Iiran oo la rumeysanyahay in loo sii waday ururka Xisbullah oo fadhigiisu yahay dalka Lubnaan.

Srael ayaa sheegtay in weerarada ay la beegsatay shixnado gantaalo casri ah oo ay farsameyso dalka Iiraan, kuna sii jeeday ururka dalka Lubnaan ee Xisbulah.

Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Nabiil Al-carabi, ayaa ka digay cawaaqib ka dhalan kara weerarada Srael, wuxuuna ku baaqay in golaha amaanka ee QM inuu qaato tallaabo deg deg ah oo lagu xaqiijinayo in Srael ay joojiso weeraradaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here