Diyaaradaha Dagaalka Oo Duqeyn Ka Geesatay Gobolka Gedo Deegaano Hoos Imaado

Diyaaradaha dagaalka ayaa waxey duqeyn cirka ah ku sameeyeen fariisimo ey xarakada Al-shabaab ku lee yihiin Gobolka Gedo

Diyaaradahan ayaa horay waxey u dul mari jireen degmada Baardheere iyagoon wax duqeyn ah ka geysan, deegaanada duqeynta ka dhacday ayaa waxaa fadhiiso ku leh xarakada Shabaab sida deegaanada Tarako, Juungal iyo Dhego laab balse lama oga qasaaraha dhabta ee ka soo baxay duqeyntaas.

Mar anaa xiriir la sameynay saraakiisha ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya oo ku sugan deegaanka Faxfaxdhuun ayeey noo sheegeen in ey jirto dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Al-shabab ikatoo eysan noo sheegin tiro rasmi ah.

Sargaal ka tirsan ciidamada dowlada oo magaciia la yiraahdo Aadan Axmed Xersi Rufle ayaa inoo sheegay in dhimasho ilaa 7 qofood ey jirto dhanka Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sido kale sheegay duqeyntaas in uu ku dhuntay masuul sare oo ak tirsan xarakada shabaab kaas oo magaciisa lagu sheegay Muscab Dheeree, balse wax war ah oo ka soo baxay dhanka xarakada shabaab majirto oo beeninaya hadalka sargaalkan u hadlay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here