Diyaaradaha Dagaalka Kenya Oo Duqeyn Ka Geystay Deegaanka Husingoow

Diyaaradaha dagaalka dalkaKenyaayaa duqeyn u geystay deegaanka Boko oo katirsan Tuulada Hoosingoow, goobtan la duqeeyay ayaa waxaa fariisimo milatari kulahaa ururka Al-shabaab.

Sida ay wararka qaar sheegayaan waxaa halkaas ku gubtay gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ururka Al-shabaab, sidookalena ay ku dhinteen qaar katirsan sida uu warbaahinta usheegay Xirsi oo ka tirsan sharaakiisha ciidamada XDS.

Sidoo kale sarkaalka ayaa intaa ku daray in duqeymahani ay ahaayeen kuwo qorsheysan oo ay ka warqabaan saraakiisha ciidamada dowladda ujeeddaduna waxa ay tahay in la wiiqo awoodda ururka Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM.

Diyaaradaha dalkaKenyaayaa maalmo kahor waxay duqeymo ka geysteen deegaanka Birta-dheer oo katirsan Gobolka Gedo waxayna ku gubeen laba kamid ah gaadiidka dagaalka oo ay lahaayeen ururka Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here