Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo duqeeyay shacabkii ka barakacay Ceel-cade

DuqeynOdayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Gedo, waxa ay muujinayaan walaaca iyo dhibaatada ay ku qabaan Duqeymaha Diyaaradaha ay geysanayaan, iyadoo aanan look ala saareyn shacab iyo ciidan intaba.

Duqeymaha ugu badan ee Todobaadkaan Diyaaradaha Kenya ay geysteen ayaa waxa ay ka dhaceen aaga Ceelcadde oo dadkii ka barakacay Degmada Ceelcadde ay ku sugnaayeen.

Nabadoon ka mid ah Dadka Degmada Ceelcade oo ka gaabsaday inuu magaciisa Warbaahinta ka sheego sababo awgeed, ayaa sheegay in Diyaaradaha Kenya Dhibaato xoogan ay ku hayaan.

Waxa uu tilmaamay Nabadoonkan in shacabka ay aad uga soo fogaadeen dhammaan deegaanka la duqeynayo iyo deegaanada kale ee ku dhaw.

“Waxaan kasoo cararnay anagii oo shacabka ah deegaanka Ceelcadde, waxaa naloo sheegay in ciidamada Kenya ay kusoo wajahanyihiin halkaasi hadana waxaan ka war helnay oo kaliya duqeyn xooggan oo diyaaradaha Kenya ah, xoolo badan baa ku dhamaaday duqeynta xaaladuna weli ma ahan mid sahlan” ayuu yiri Nabadoonkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here