Diyaarada Turkish Airline oo maalinti labaad kusoo dagan weysay garoonka Muqdisho

Diyaarada Turkish Airline ayaa marki labaad maanta soo caga dhiganwaysay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Adan Cade ee magaalada Muqdisho.

Duulimaadyada todobaadlaha ayaa maanta oo jimco ah u suura gelisay in rakaabkii ay waday ka soo dejiso garoonka diyaaradaha, iyadoo arrintan ay culeys ku keeni karto howlihii duulimaad ee garoonka.

Sida wararku sheegayaan arrintan ayaa durba keentay muran soo kala dhex galay Maamulka shirkada Turkish Airways iyo Saraakiisha garoonka diyaaradaha oo ku aadan habka diyaarada ay u soo caga dhiganeyso garoonka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaarada lagu amray inay ka soo degto Run Way-ga Xalane ee diyaaradaha inta badan ka soo degaan, marka ay soo maraan dhinaca badda, taasoo diyaarada aanay u saamixi karin.

Sidoo kale saraakiisha shirkada Turkish Airways ayaa dalbaday maadaama diyaaradooda ay weyn tahay ay awoodi karaan inay ka soo degaan dhanka Afisyooni halkaasoo wado High way ay soo marto.

Rakaabkeedii maanta ayaa la geeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana suura gal noqon kara inay mar kale dib u soo kacdo oo ay soo degto, iyadoo ay soconayaan wada hadalo.

Si kastaba ha ahaatee Diyaarada Turkish Airways ayaa ah diyaarada ugu caalamisan ee garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo degto, waxaana qurbo joog badan oo soomaali ah ay ka faa’ideystaan in diyaarada si toos ah uga soo qaado magaalada Istanbul.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.