Diyaarada Turkish Airline oo duulimaadki ugu raqiisanaa ka bilowday Sudan iyo Somalia

Diyaarada Turkish Airline ayaa duulimaad toos ah oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Khartuum ka bilowday labada dalka ee Soomaaliya iyo Sudan, taasi oo ka dhigtay duulimaadki ugu raqiisanaa ee labada dal.

Bishi March ee sanadkaan ayey Turkish Airline ka bilowday duulimaadkeedi caadiga ahaa dalka Soomaaliya iyada oo todobaadkiiba laba jeer imaaneyso kana soo qaadeyso dadka aduunka dacaladiisa.

Marka ay kasoo baxdo magaalada Istanbul, waxay soo martaa caasimada Sudan ee Khartum iyada oo markaasina halkaasi ku dajineyso dadka kasoo jeedo Sudan kadibna usoo dhaqaaqdaa Muqdisho.

Haatan waxay ku sii dartay adeegyo cusub oo ah iyada oo dalka Sudan kasoo qaadeyso Soomaalida halkaasi joogto gaar ahaan ardayda, waxaana maamulka diyaarada ay sheegeen in tikitka uu noqonayo $200 (Laba boqol oo doolar) oo ah lacag aad u yar.

Horay tikitka Sudan waxa uu u ahaa lacag gaarayesa $1,000 ama kasii badan, waxaana haatan tani ay u sahleysaa in arday badan ay soo booqdaan waalidiintooda dalka Soomaaliya.

Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sudan ayaa aad usoo dhaweeyey barnaamijkaan duulimaad ee shirkada Turkish Airline ay ka bilaabeyso Sudan iyo Somala.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.