Diyaarada Air Uganda oo duulimaad ka billaabeysa Muqdisho

Sida uu qoray Axada maanta ah wargayska The New Vision ee ka soo baxa dalka. diyaarada Air Uganda ayaa lagu wadaa in dhawaan ay duulimaadyo ka billowdo magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Sida uu lee yahay wargeyska , arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo xaallada ammaan iyo mida dhaqaalaha ay ka soo kabaneyso caasimada Muqdisho.

New Vision ayaa sheegay in duulimaadyada ugu horreeya ee diyaaradda Air Uganda ay billaaban doonaan bisha July ee sannadkan 2013-ka

“Waxaa nagala shaqeeyay Qaramada Midoobay, xukuumadda Somalia sidii loo xaqiijin lahaa inay jirto nabadgalyo lagu sameyn karo duulimaadyo. Runtii mar hore ayaan tijaabo ku sameynay duulimaadyada Muqdisho, mana jiraan wax khatar ah,” ayuu yiri madaxa shirkadda diyaaradaha Air Uganda, Cornwell Muleya.

Muleya ayaa sheegay in Axadda maanta ah lagu wado inay diyaaraddii saddexaad oo tijaabo ah ay ka duusho garoonk diyaaradaha ee Entebbe ee dalka Uganda taasoo wadda shixnado xamuul ah.

Haddii warkan uu noqdo mid sax ah, waa diyaaradii labaad oo duulimaad caalami ah ka sameesa dalka Soomaaliya, sannadkii lasoo dhaafay ayaya diyaaradda Turkish Airlin waxay Muqdisho ka billowday duulimaadyo caalami ah, iyadoo noqotay diyaaraddii ugu horreysay oo muddo 20-sano kaddib ah duulimaad Muqdisho ah iyo caalamka ka hirgalisay dalka Soomaaliya.

“Duulimaadyada si xowli ah ay sare ugu kaceen 6%, balse hoos u dhac ayaa laga dareemayaa meelaha gobollada Qaaradda qaarkood, balse waxaan arkaynaa in labadii xilli ee ugu dambeeyay uu Afrika ka jiro sare u kac dhinaca duulimaadyada ah,” ayuu yiri Muleya.

Si kastaba, ha ahaatee Uganda waa dalka ciidamada ugu badan ku deeqay howgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in hadda ay ka hirgalin doonto dalka ay dagaalada halakeeyeen in ay ka qayb qaataan dib u dhiska iyo horrumarka dhinaca dhaqaalaha ee ka soo iftiimiya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here