Diyaarad warqado ku daadiyey Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in galabta ay diyaarad joog hoose ku socotay ay warqado ku daadisay.

Warqadahan oo ay ku oqrnaayeen qoraalo isku mid ah isla markaana ay ka muuqdeen sawiro ayaa waxa ay ku dhaceen gudaha iyo daafacaha magaalada.

Dad arkay ayaa sheegay in weeraraha ku qornaa ay muujinayaan baraarujin iyo baaq dadka loo jeedimayo, sidoo kale sawirada arday waxbaraneyso, iyo hooyooyin madaxa ku wata ubadkooda ayaa ka muuqda.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo caawa la hadlay idaacad ku taala Muqdisho ayaa sheegay in warqadaha ay daadisay diyaarad magaalada ku kor wareegtay waxana ay gaareen banaanka iyo gudaha Kismaayo.

Wuxuuna qoraalki ku qornaa u aqriyey sidan: ” Warqada waxaa ay kor uga qoran qoraal ah Dowlada Federaalka Soomaali iyo loogada Dowlada, waxaa kale oo ku qoran sidan ‘yaAl Shabab maya, Al Qaacida maya, bur bur iyo xasuuq maya, dadka ha muujiyeen kalsooni Kismaayo waxay noqoneysaa magaaladi ugu danbeysay ee Al Shabab,”.

Waa marki ugu horeysay oo ay diyaarado dagaal warqado ku daadiyaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose, xilli diyaarado kalana ay maanta duqeeyeen duleedka magaalada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here