Diyaarad waday wasiiro ka tirsan Kenya oo soo dhacday (Sawiro)

Laba ka mid ah golaha wasiirada Kenya ayaa si dirqi ah uga badbaaday diyaarad helikobtar ah oo la qalibantay wax yar ka hor inta aysan soo caga dhigan.

Diyaaradaan oo ku dhacday iskuulka Kaptarkok Primary School ee degaanka Kaptarakwa koonfurta Kenya ayaa waxaa la socday wasiirka Wadooyinka Franklin Bett iyo wasiirka Keymaha Dr Noah Wekesa.

Douglas Kiplagat, oo ahaa goobjooge ayaa sheegay inuu arkay wasiirada oo argagaxsan gaar ahaan Mr Bett oo diyaarada kasoo baxay kadibna ku qeyliyey aween kuwii kale.

“Marki aan arkay isaga oo kasoo baxay diyaarada hadan dib ayuu ugu laabtay, laakin diyaarada waxaana muuqatay in diyaarada uu qalad ka gaaray dhinaca farsamada marki ay soo kaceysay waxaana ay bilowday in ay dib ugu laabato halki ay ka baxday,” ayuu yiri  Mr Kiplagat.

Ma jirin cid ku dhaawacantay sida wararku ay sheegayaan waxaana kasoo baxay diyaarada labada wasiir iyo duuliyihi diyaarada.

Nin lagu magacaabo Alex Rotich oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in labada wasiir ay u dhaqaaqeen hoteel ku yaala meel aanan ka fogeyn halka ay diyaarada ku dhacday waxaana loogaga qaaday diyaarad kale oo helikobtar ah oo loo soo diray.

Duuliyaha diyaarada Mr Nahashon Mutea, ayaa sheegay inuu dib uga war bixin doono warbaahinta waxa keenay cilada ku timid diyaarada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.