Diyaarad si lama filaan ah ugu dagtay saqafka kore ee guri dabaq ah

Duuliye waday diyaarad helicopter ah ayaa si deg deg ah ugu dajiyey saqafka kore ee dhisme dabaq ah oo ku yaala goob ay dadku aad u dagaan oo ku yaala magaalada Bangalore ee dalka India.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaasi ay ku jirtay tababarka xaga duulimaadka oo ah maalin walba sameyn jirtay hase yeeshee mar qura ayaa waxaa cilad qabsatay matoorka taasi oo ku qasabtay in ay dhulka soo aado.

Dhismaha oo ka koobnaa shan dabaq ayaa laga daad gureeyey dadki daganaa, mana jirin wax dhaawac ah gaar ahaan beylootki iyo ku xigeenkiisii.

Diyaaradan ayaa waxaa laheyd shirkad ay dowlada leedahay oo lagu magacaabo Hindustan Aeronautics Limited (Hal) waxaana ay kasoo duushay garoon diyaaradeed oo aanan ka fogeyn halka ay caga dhigatay.

Arintaan ayaa soo jiidatay indhaha malaayiin ruux oo India ku nool iyo waliba caalamka iyaga oo la yaaban sida diyaarad loogu dul dajiyey dhisme ay dad kor daganyihiin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.