Kismaayo:Al-shabaab oo rasaaseeyay diyaarad Rakaab ah

Diyaarad Rakaab ah oo ka soo duushay Magaalada Muqdisho ayaa la weeraray Marki ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Ciidamo ka tirsan Xoogaga Alshabaab ayaa Weerar madaafiic ah ku qaaday Xili ay Diyaarada ka soo dagtay Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo.

Warraka aan ka helnay Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ilaa 3 ruux ay ku dhaawacantay Weerarkaasi madaafiic, waxayna dhamaan ahaayeen Rakaabkii diyaarada saarnaa.

Hogaamiyaha Kooxda Raaskambooni oo ka hadlay arintan ayaa sheegay inuu ahaa weerar fuleynimo ah, kaasoo ay soo qaadeen kooxda ka soo horjeeda ee Alshabaab.

Weerarka magaalada Kismaayo ayaa imaanaya iyadoo gudaha magaalada ay ku sugan yihiin qaar ka tirsan golaha wasiirada oo kormeer ku jooga halkaasi, waxaana diyaaradii Maanta ee siday wasiirada si nabad ah ay ku caga dhigatay Garoonka Magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here