Diyaarad qaad sidday oo shil ku gashay Guriceel

Diyaarad qaad sidday oo shil ku gashay Guriceel
Diyaarad qaad sidday oo shil ku gashay Guriceel

Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay aroortii garoonka degmada ay shil ku gashay diyaarad sidday qaad oo halkaas ka dagaysay.

Goobjooge ku sugan Guriceel, ayaa sheegay in diyaaraddu ay sidday 6 kun oo tan oo qaad loo waday degmooyinka Guriceel, Caabuwaaq, Dhuusamarreeb, Beledweyne iyo degmooyin kale.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay shilkaasi diyaaradeed, inkastoo uu dab ka kacay diyaaradda markii ay dhulka soo gaartay.

Waa markii saddexaad oo diyaarad ay shil ku gasho garoonka diyaaradaha ee degmada Guriceel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here