Diyaarad ka kacday Malaysia oo la la’yahay

Diyaarad ka kacday Malaysia oo la la'yahay
Diyaarad ka kacday Malaysia oo la la’yahay

Mas’uuliyiinta diyaaradda Malaysia Airlines ayaa sheegay in diyaarad ka kacday Kuala Lumpur kuna sii jeeday magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, in xiriirkeeda la waayay.

Diyaarada oo ay la socdaan 239 qof, ayaa la sheegay in la waayay xiriirkeeda markii ay mareysay Vietnam, siddaas waxaa sheegtay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua.

Rakaabka saaran diyaarada oo nooceeda ah B777-200 ayaa la sheegay in ay ku jiraan labo carruur ah.

Waxaana ay isugu jiraan 152 Shiinees ah, 38- Malaysians, 12 qof oo u dhashay dalka Indonesia iyo dhowr qof oo ka soo jeeda dalka Australia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here