Diyaarad Hub usiday Rajiimka Syria oo ku gubaneysa garoonka Dimishiq

Warar ka imaanaya dalka Syria, ayaa sheegaya in diyaarad laga leeyahay dalka Iiran oo hub usiday Rajiimka Asad, ay ku gubaneyso garoonka diyaaradaha ee Dimishiq, kadib markii ay toogteen koox kamid ah Mucaaradka dalkaas.

Xaruunta warfaafinta kooxaha Mucaaradka Syria ayaa lagu sheegay, in guuto kamid ah mucaaradka oo kusugan gudaha Dimishiq, ay toogteen diyaarad hub usiday maamulka Asad, waxaana lasheegyaa in ilaa iyo hadda uu dab xoogan kabaxayo garoonka diyaaradaha ee Dimishiq.

Dhanka kale 24kii saac ee lasoo dhaafay waxaa dalkaas ku dhintay dad gaaraya 18 ruux, waxaana weli halkooda kasii soconaya duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka doowlada u geysanayaan goobaha ay ku bdanyihiin kooxaha mucaaradka, ee iyagu dagaalka kula jira Nidaamka dalkaas kataliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here