Diyaarad ay leedahay Russia oo ku dhacday Siberia

Diyaarad ku rakaabka ah oo laga leeyahay dalka Russia ayaa ku dhacday Siberia, iyada oo ay ku dhinteen 43 ruux.

Sida ay kusoo warantay wakaalada wararka ee Russia waxaa isbitaalka loo qaaday 11 ruux oo ka badbaaday shilkaasi, waxa kale oo ay sheegtay in diyaarada oo nooceedu ahaa ATR-72 ay kasoo duushay Tyumen iyada kusii jeeday magaalada shidaalka ku caan baxday Surgut.

Saraakiisha ayaa sheegay in diyaarada ay saarnaayeen 39 ruux iyo afar ka mid ah shaqaalaha diyaarada, mana cada waxa sababay bur burka diyaarada.

Wakaalada wararka ee RIA waxay xaqiijisay in dhamaan dadka badbaaday ay xaalkoodu hagaagsanyihin waxaana haatan lagu dabiibayaa isbitaalka Tyumen.

Sanadki hore waxaa soo dhacay ilaa iyo 15 diyaaradood oo ah kuwa rakaabka, waxaana ku dhintay 120 ruux.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.