Dimuquraadiga oo qof Soomaali u soo sharxay in uu u matalo doorashada golaha deeganka

Xibsiga Dimuquraadiga ee uu ka tirsan yahay madaxweyne Brack Obama ayaa qof Soomaali ah u soo doortay in uu
uga qaybgalo doorashada golaha deeganka oo dhawaan lagu wado in ay dhacdo.

Cabdi Warsame oo ka mid ah Soomaalida deggen gobalka Minnesota ayaa u tartamaya in uu xubin ka noqdo Golaha Deegaanka ee Magaalada Minneapolis ee Goblaka Minnesota.

Cabdi Warsame Waxa uu noqonayaa qofkii ugu horeeyey ee Soomaaliya ee loo sharaxo inuu xilkaasi u tartamo.

Cabdi Warsame ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka ay dadaal dheer ka gashay sidii ay xubno matala ugu yeelan laheeyn golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis, uuna rajaynayo inuu noqdo qofkii ugu ugu horeeyey ee Soomaaliya xubintaasi ku guuleysta gobalka Minnesota.

Gobalka Minnesota waa gobalka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan dalka Maraykanka, dad badan ayaa aaminsan in uu ku guuleesan doono xubinimada golaha deeganka gobalka Minnesota.

Soomaalida ayaa sannadihii ugu dambeeyay guulo la taaban karo ka soo hoyay arrimaha siyaasadda dalka Maraykanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here