Dilalka dadka rayidka oo ku soo badanaya magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ammaanka magaalada uu faraha ka sii baxayo iyadoo dhac iyo dilal joogta ah ay ka dhacayaan  magaaladaas.

Xalay ayaa waxaa la sheegay in kooxo hubeysan ay ku dileen bartamaha magaalada Kismaayo wadaad caan ka ahaa magaaladaas isagoo ka soo baxayay masjid uu Mu’adin ka ahaa.

Dilka wadaadkan ayaa la sheegay inay geysteen kooxo ku hubeysan bastoolado oo halkaa ka cararay markii ay dilka geysteen.

Ciidamada ku sugan magaalada Kismaayo ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay lamana soo sheegin cid ay u qabteen falkan dilkan ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dilka wadaadkan uu la xiriiro aargoosi qabiil taasoo dadka ku nool magaalada Kismaayo walwal ku dhalisey.

Maamul ku meelgaar ah oo dhowaan laga dhisay magaalada Kismaayo ayaa wada dadaalo uu ku doonayo in uu wax kaga qabto ammaanka magaalada oo ah magaalo muhiim ah oo muddo dhowr sano ah ay gacanta ku haysay ururka Alshabaab,

Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaali ah ayaa la wareegay dhowaan gacan ku haynta magaalada Kismaayo hase yeeshee dadka ku nool magaalada ayaa waxaa la soo dersay cabsi iyadoo dagaal sokeeye inuu ka qarxo magaalada laga cabsi qabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here