Dilal xalay ka dhacay xaafado ka mid ah Muqdisho

Sadex ruux oo rayid ah ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu qarijiyey xaafado ka mid ah degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal laba wiil oo walaala ahaa ayaa lagu toogtay xaafada Xamar Jadiid ee degmada Warhdiigleey xilli ay hor fadhiyeen gurigooda.

Dilka labadaasi wiil waxaa fuliyey kooxo wajiga soo duubtay oo ku hubeesnaa bistoolado, kuwaasi oo marki ay dilkaasi wuxushnimada ah fuliyeen goobta ka baxsaday.

Sidoo kale haweeneey ayaa lagu dilay agagaarka Masaajidka Nasrudiin ee isla degmada Xamar Jajab.

“Salaadi cisha kadib ayaa laba dhalinyara ah loo geystay dil xaafada Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigleey, sidoo kale haweeneey ayaa lagu dilay masaajidka Nasrudiin, dhamaantood waxaa fuliyey kooxo wajiyada soo duubtay,” sidaa waxaa yiri qof goob joogr ah oo diiday in magaciisa lasoo xigto.

Dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka rayidka ah ayaa waxaa sheeganaya ururka Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.