Dilal Siyaabo kala Duwan Xalay Uga Dhacay Muqdisho

Waxaa xalay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, ka kala dhacay dilal kala duwan oo lu fuliyay siyaabo kala duwan, dilkii ugu horeeyay ayaa ka dhacay isgoyska Baar Ayaan, waxaana loo gaystay nin ganacsade ahaa.

Sidoo kale isla xalay abaarihii 10:00 habeenimo wiil dhalinyaro ahaa lagu dilay Xaafada Caymiska, gaar ahaan agagaarka warshada COCA COLA, waxaana saakay meydkiisa lasoo dhigay halkaas, jirkiisana waxaa kamuuqday jirdil xoogan iyo rasaas lala dhacay.

Goob jooge ku sugan goobta meydka lasoo dhigay ayaa noo xaqiijiyay dilka wiilkan dhalinyarada ah, sidookale goobjoogahan oo dul tagay meydka wiilka ayaa sheegay in uu ka xirnaa lugaha iyo gacmaha, islamarkaasna ay maqlayeen waqtigii ladilayay rasaasta lala dhacayay.

Majirto ilaa iyo hada shaqsiga uu ahaa iyo meesha uu katirsanaa wiilkan meydkiisa lasoo dhigay xaafada Ceymiska, sidoo kale lama sheegin cida ka danbeysa dilkiisa iyo sababta loo dilay.

Dilalka nuucaan ayaa intabadan waxaa lagu eedeeyaa ineey fuliyaan rag katirsan Al-shabab, kuwaasoo dila ruux kasta oo xiriir la leh doowlada iyo dadka u shaqeeya hay’adaha.

Al-shabaab ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay si xoogan ugu soo qul qulayeen dhamaan degmooyinka G/banaadir, waxayna bilaabeen ineey weeraro toos ah ku qaadaan fariisimaha Ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM, sidoo kale waxay laba laabeen dilalka gaadmada ah iyo qaraxyada.

Xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Saacid, ayaa dhowr mar sheegtay ineey diyaarisay Ciidamo ka howlgala degmooyinka G/banaadir kuwaasoo wax ka qaban doona xaga amaanka, laakiin ilaa iyo hada ma muuqato dhaqan galinta arintaas, waxaana sii laba lixaadsaday dilka iyo gowraca lagu haayo shacabka ay masuulka katahay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. waryaa muslim ah war ilaahay halaga cabsado war maxaa dadka looleynayaa nin walbow waxaad ogaataa wixii aad sameyso in ilaahey kuxisaabinayo ama shabaab sheego ama waxkale sheego
    dadkan lagu leynayo mala,awaalka iyo macnadarida ilaahey
    ma,ogola ilaahey halaga cabsado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here