Dilaaga wariyaasha Soomaaliya oo maanta cadaalada hor-tagaya

12802959_597533710406279_9100093549867325753_nMaxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa lagu wadaa in maanta ay xukunto eedeysane Xasan Xanafi Xaaji oo loo heysto shirqoolka iyo dilal loo geystay Suxufiyiin Soomaaliyeed, iyadoo eedeysanahaasi uu hortaaganyahay saakay maxkamadda horteede.

Halka cadaalada lagu horgeynayo Xasan Xanafi ayaa waxaa ku sugan xeer ilaaliyeyaasha ku oogaya dambiga loo heysto, marqaatiyaal, Abuukatayaal difaayacaya eedeysanaha, dad weyne kuwaa oo ka dhiiban doono fikradahooda iyo marag furka eedaha.

Waa markii ugu horeysay uu wajaho Horjooge Xasan Xanafi Xaaji oo mudo gacanta Dowladda ku jira uu soo hor istaago cadaalada, iyadoo aan la ogeyn go’aanka maxkamadda ay gaareyso, waxaana ay dhursugeynaa go’aanka maxkamadda ee Maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here