Dil xaley ka dhacay Waabari

Sida ay u sheegeen shabkadda Midnimo goobjoogayaal, kooxo hubeysan ayaa xaley fiidkii waxa ay wiil dhallinyaro ah ku dileen degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay goob shaaha laga cabbo oo ku taalla halkaas,  waxaana la sheegay inay baxsadeen kooxdii dilka geestay.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cilmi Axmed ayaa ka mid ahaa dhallinyarada xoogsatada ahaa ee degmada Waaberi.

Ciidamada dowladda oo goobta tegay ayaa baaritaanno sameeyay, mana jirto cid ay u soo qabteen falkaas.

Lama oga sababta loo dilay ninkaa, iyo cida dishay toona.

Degmada Waabari horrey ayaa dad loogu dilay, gaar ahaan waxa halkaas lagu dilay xildhibaano iyo odayaasha soo dhisay xubnaha baarlamaanka.

Inta badan dilal ka dhaca Muqdisho waxa lagu eedeeyaa ururka Al-Shabaab oo magaalada laga saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here