Diini oo la kulmay taliska ugu sareeya ciidamada AMISOM

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee AMISOM, Gen. Mohammedesha Zeyinu, waxana kulanka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed iyo saraakiil ka tirsan AMISOM. Iyadoo ay ka wada hadleen ammaan guud ee dalka iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa sanadka cusub howlgalada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah.

Wasiirka Gaashaandhiga Diini oo la kulmay saraakiisha AMISOM
Wasiirka Gaashaandhiga Diini oo la kulmay saraakiisha AMISOM

Taliyaha Ciidanka AMISOM Gen. Zeyinu ayaa Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka X.D.S war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaan guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka.

ba65c321

Kulankan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ay u sii dardargelin lahaayeen howlgallada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha nabad-diidka ah, si gobollada dalka ee ay ku dhuumaalay-sanayaan sanadka cusub ee 2016 guud ahaan gacanta dawladda loo soo gelin lahaa.

e57fe4a6

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyey AMISOM sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya.isagoo dhinaca kale tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in mar walba laga faa’iideysto waqtiga

“Aad ayaan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee howlgallada socda ka qeyb qaadanayaa. Howlgaladan waa kuwa loogu talagaley in muddo aad u yar dalka oo dhan looga sifeeyo cadowga.” Ayuu yiri Wasiir Diini.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here