Digniinti ku wajahneyd qatarta Bad gariirka Sunaami oo laga laabtay

Xarunta Xarunta Digniinta Sunaami ee A tsunami  Pacific   (PWTC) ayaa hoos u dhigtay digniinti cusleyd ee maanta laga soo saaray in meelo badan oo ku dheersan badweynta India ay kusoo socoto Badgariirka Sunaami.

Digniintaasi waxay soo baxday kadib marki laba dhul gariir oo waaweyn ay ku dhifteen xeebta gobolka Acheh ee dalka Indonesia.

Laba saac ka dib marki uu dhacay dhul gariir lixaadkiisu dhamaa 8.6, kan kalana 8.3 – ayey xarunta sheegeysaa in qatarta saameynta bad gariirkaasi uu hada ka yaraaday sidi awal la filayey.

DIgniinaha laga soo saaray arintaasi ayaa maanta walaac iyo kala orod ku riday kumanaan ruux oo ku noolaa jasiirado badan oo ku yaala Indonesia kuwaasi oo ka baxay dhismooyinka waaweyn iyaga oo maciin biday dhulka joogoodu sareeyo.

Wali lama soo sheegin wax qasaara ah oo ka dhashay arrintaasi, balse waxaa wali la sugayaa hey’adaha ku shaqada leh arintaasi.

Meelaha laga qaaday cabsida Sunaami waxaa ka mid ah India, Thailand and Sri Lanka, sidoo kale dalal ay ku jirto Soomaaliya ayey iyaduna neef kasoo fuqday.

Bad gariirki hore ee Sunami ee sanadki 2004 ee ku dhiftay dalka Indonesia waxaa ku dhintay in ka badan 250,000 oo ruux  170,000 ka mid ah waxay ku qur baxeen gobolka Aceh.