Digniin laga soo saaray deeqaha lasiiyo Soomaaliya

Xog ay soo saartay hay’ad baaritaano ku sameysa suuqyada madoow ee ku yala Caalamka fadhigeeduna yahay magaalada Ramalah, ee dhulka reer falastiin, ayaa waxay kusoo bandhigtay ineey jiraan lacago malaayiin doolarka Mareeykanka ah oo laysku weeydarsanayo suuqyada madoow ee dalka Soomaaliya.

Xogtaas oo dhinacyo badan taabaneysay ayaa waxaa lagu sheegay, in malaayiintaas doolar loo adeegsaday Kaluumeeysiga sharci darrada ah, Tahriibinta maandooriyaha, afduubyada lagu dhiibo lacagaha madaxfurashada iyo hubka kayimaada wadamada Russia iyo Kuuriyada waqooyi oo suuqyada madoow ee Soomaaliya lagu iibiyo.

Xogtaan lagu sameeyay suuqyada Madoow ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay wadatay digniin ku aadan in 50% gargaarka cunada ah ee kusoo jeeda Soomaaliya la weyn karo, waxaana arintaas loo sababeeyay tuugnimo iyo Musuq maasuq dhici doona, taasoo la tilmaamay ineey kasii dari doonto xaalada adage e bulshada wadanka Soomaaliya.

Xogta nuucaan oo kale ah ma ahan mid laga soo saaray wadanka Soomaaliya, sidoo kale wadamada laga soo saaray ayaa waxaa qayb ka ah wadanka iiraan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here