Diego Milito oo quusiyey kooxda AC Milan

Kooxda Inter Milan ayaa laba u kala jebisay kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee AC Milan kadib marki ay 1-0 kaga awood roonaatay ciyaari xalay ka dhacday garoonka San Siro.

Kulankaasi oo muhiim u ahaa labada dhinac, waxaa go,aan ka gaaray qeybti labaad ee ciyaarta weeraryahanka Inter Diego Milito kaasi oo ka faa,ideystay kubad uu  qalday faacada Milan Ignazio Abate.

Guuldarada Milan waxay soo af jartay 12 kulan oo xiriir ah oo aanan laga badinin horyaalka Seria A-da Talyaaniga.

Weeraryahanki hore ee kooxda Manchester City Robinho ayaa ka qasaariyey Milan laba fursadood oo qaali ahaa, laakin Milan ayaa inta badan ku gacan sareysay ciyaarta.

Dhibka soo gaaray Milan waxa uu ka tuuray baska jarajada koowaad, waxaana hada ay hal buundo ka hooseysaa hogaamiyaasha horyaalka ee Juventus oo leh 37 dhibcood, halka Milan ay leedahay 36, Inter oo ku jirto booska shanaad waxay heysataa 32 dhibcood.

Guusha ay Inter heshay waxay aheyd tii lixaad oo xiriir ah, waxaana ay hada kasoo kabatay guul darooyin xiriir ahaa oo lasoo gudboonaaday marki uu bilowday horyaalka Talyaaniga, iyada oo mar ku sigatay in ay noqoto kooxaha ugu hooseeya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.