Diego Maradona oo qaliin loogaga sameynayo killida

Halyeeyga kubada cakta dalka Argentina Diego Maradona ayaa loola cararay isbitaal si loogaga soo saaro dhagax la sheegay inuu kellida uga jiro.

Macalinkan haatan leyliya kooxda Al Wasl ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa loo qaaday isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala magaalada Dubai waxaana la filayaa in caawa lasoo gaba gabeeyo qaliin lagu bilaabay galabta.

War kasoo baxay kooxda Al Wasl ayaa lagu sheegay in Maradona oo ah 51 jir loo qaaday isbitaal isla markaana uu xanuun ka qabo killida oo uu dhagax uga jiro.

Maradona ayaa marki hore la baaray kadibna la go,aan saday in laga qalo killida si looga soo bixiyo dhagxaanta uga jirto killida.

Maalinta birto ah ayaa lagu wadaa in ay saxaafada war ka siiso kooxda Al Wasl waxa kusoo kordha xaalada caafimaad ee Maradona.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.