Diego Costa: Chelsea waan weerari doonaa

Diego Costa: Chelsea waan weerari doonaa
Diego Costa: Chelsea waan weerari doonaa

Weeryahanka kooxda Atletico Madrid, Diego Costa ayaa sheegay in ay ku kalsoon yihiin cayaarta lugta labaad ee horyaalka Yurub ay la lee yihiin kooxda Chelsea.

Wuxuu sheegay in aysan u cayaari dooni sidda difaaca balse ay u cayaari doonaan sidda weerarka.

Cayaartoyda Jose Mourinho ayaa rajo fiican leh, waayo cayartii horre ee ak dhacday Spain waxa ay ku dhammaatay 0 iyo 0.

Chelsea ayaa ka adkaatay Axaddii kooxda loo badinaayo in ay ku guuleesato horyaalka Ingiriiska ee Liverpool.

Si kastaba, cayaaryahanka reer Spain ayaa sheegay in cayaarta Arbacada caawa ka filayaan in ay ka adkaadaan kooxda Ingiriisaka.

“Uma arko cayaar wareer ah, waa cayaar weyn , waxaan lee yahay waan ku raaxeesan doonaa waana ku cayaari doonaa, uma arko in uu jirro farqi xagga goolasha,” ayuu u sheegay warbaahinta.

Atletico Madrid ayaa u safri doonta labada kulan ee soo socda horyaalka Spain Levante iyo Malaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here