Diblomaasiyiinta Soomaaliya ee ku tababaranaya South Afrika oo wejiga labaad u furmay Sawiirro

Diblomaasiyiinta ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo tiradooda ay tahay 21 diblomaasi oo tababar heerkiisu sareeyo – Madax ergo-( Head of Mission )  ku qaadanaya gudaha Machadka Tababarka ,cilmi baarista iyo horumarinta ee Akadeemiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee South Afrika, ayaa si habsami ah ku qaadanaya maalintiiba 8 saacadood oo casharo ah , oo ay kala bixinayaan Wasiiro South African ah , Diblomaasiyiin heerkoodu sareeyo  iyo madax kale oo dowladda ka tirsan,taasoo loogu gol leeyahay inay dib u qaabeeyaan baratakoolka guud ee dowladda Soomaaliya ,hagaajinta habka shaqo ee Wasaaradda iyo Safaaradaha ,dejinta istiraatiijiyadda siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ee dowladda.

Tababarkani oo soo afjarmaya dhammaadka bishan March ayaa waxaa lagu wadaa inay xafladda xiritaanka ee shahaadada lagu gudoon siinayo diblomaasiyiinta Soomaalida ay ka soo qeybgasho Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan ,Wasiirka Xiriirka Caalamiga iyo iskaashiga ee dowladda South Africa Marwo Maite Nkoana-Mashabane iyo Mas’uuliyiin kale .

Xiriirka Soomaaliya iyo caalamka  ayaa aad u xoogeystay sanadkan kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay geedi socod  dardar geliyay  Xiriirka Soomaaliya iyo caalamka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here