Diblomaasiyiin Turkish ah oo iska dhiibay dalka Jarmalka

35994082_303Wakiilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jarmalka ayaa u sheegay Aqalka hoose ee Barlamaanka dalkaasi inay 3 Diplomaasi oo Turkish ah ka codsadeen Dowladda Jarmalka in la siiyo Magangelyo Siyaasadeed.

Idaacadaha NDR iyo WDR ee Jarmalka ayaa sheegay inay suurto-gal tahay inay sii kordhi karaan tirada Diplomaasiyiinta Turkiga ee isa soo dhiibayo.

Dhinaca kale, Xafiiska Muhaajiriinta iyo Qaxootiga Jarmalka ee BAMF ayaa la sheegay inaysan weli go’aan ka gaarin codsiga Diplomaasiyiinta ka goostay Turkiga.

Safaaradda Turkishka ku leeyihiin Jarmalka wey ka gaabsatay inay ka hadlaan Warka sheegayo inay is-dhiibeen Diplomaaisyiin Turkish ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here