Diblomaasiyiin Tababar loogu furay Muqdisho Sawiro

Machadka diblomaasiyadda iyo Tababarada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga oo kaashanaya macallimiin Soomaali oo mutadawiciin ah iyo diblomaasiyiin  Wasaaradda ka tirsan  ayaa maanta u furay 25 diblomaasi oo ka howlgala xarunta Wasaaradda tababar la xiriira Horumarinta xirfadaha hogaanka iyo xiriirka caalamiga ah .

Tababarka oo socon doona muddo 4 cisho ah ayaa waxaa casharada bixinaya Ambasaddor Yuusuf Xasan ibraahim “ Yuusuf dheeg” oo hadda ah Safiirka Soomaaliya ee China iyo Madaxa guddiga dib u habeynta Wasaaradda , waxaa kaloo kala qeyb qaadanaya Macallin Nuur Faarax iyo Nasra Ahmed Wehelie oo ah Madaxa ururka Dedicated consultants oo xaruntiisu tahay Mareykanka .

Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababarada ee Wasaaradda Yuusuf Calasow Maxamuud ayaa waxa uu ka sheegay furitaanka tababarkan , in machadka uu kordhin doono dadaalada wax ku oolka ah ee lagu kobcinayo tayada iyo aqoonta diblomaasiyiinta Wasaaradda ee ka howlgala gudaha iyo dibadda , isagoo balan-qaaday sii socoshada tababarada iyo koorsooyinka waxbarasho si loo horumariyo , loona xoojiyo awooda xirfadeed ee shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda ,si loogu talaabsado horukac iyo guul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here