Dibedbaxyo looga soo horjeeda Erdogan

140225152233_erdogan_512x288_reuters_nocreditBooliska dalka Turkiga ayaa gaaska dadka kaga ilmeysiiyo iyo biyo ku furay kumannaan dibadbaxayaal ah oo isugu tagay magaalada Istanbul.

Dibedbaxayaasha waxay ku baaqayeen inuu Iscasilo Ra’iisalwasaare Recep Tayyip Erdogan.

Isku dhacyada ayaa imaanayo kadib markii la shaaciyay cod lasheegay in si qarsoodi ah looga duubay Ra’iisalwasaare Erdogan iyo wiilkiisa iyagoo kawada hadlayo in la qariyo lacag tiro badan.

Mucaaradka Turkiga ayaa sidoo kale ku baaqay inuu is casilo Ra’iisalwasaaraha dalkaas Recep Tayyib Erdogan.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Tuyrkiga ee RPP ayaa sheegay in dowladdu lumisay sharciyadeedii. Cod “faalis ah”

Xisbiga kale ee NAP ayaa isaguna ku baaqey in baaritaan lagu sameeyo eedeymahaas.

Ra’iisalwasaaraha dalkaas Recep Tayyib Erdogan ayaa ku gacanseyray codkaas la soo bandhigay.

Waxaa uu sheegay inuu yahay mid faalis ah.

Erdogan ayaa ku goodiyay in la ciqaabi doono kuwa mas’uulka ka ah arrintaas.

Dowladda Erdogan ayaa waxaa soo wajahay eedeymo ah masumaasuq ballaaran.

Xisbiga talada haya ee Erdogan ayaa arrintan ku tilmaamay shirqool looga soo horjeeda dowladda.

Xigasho: BBC Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here