Dibadbaxyo lagu difaacayey Nabi Muxamed (SCW) oo xalay ka dhacay Muqdisho

Boqolaal dadweyna aha ayaa ka qeybgalay banaanbax xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo loogaga soo horjeeday filim lagu caayey Nabi Muaxamed (NNKH).

Banaanbaxyada ayaa ka dhacay degmooyinka Dharkeenleey iyo Wadajir waxaana ay bilowdeen salaadii maqribka kadib, iyadoo ay dadki ka qeybgalay ku qeylinteen dadki sameeyey filimkaasi.

Dhamaan dadki ka hadlay ayaa ku dheeraaday waajibnimada in la difaaco Nabi Muxamed (SCW) isla markaana isla markaana laga dhiidhiyo sida loo aflagaadeeyey Rasuulkeena.

Banaanbaxyo kale ayaa lagu wadaa in ay kasii socdaan Soomaaliya, dalalka gobolka qaarkood iyo dhamaan dalalka Dunida Islaamka.

Filimka wasaqeysnaa ee lagu caayey Nabi Muxamed ayaa waxaa soo saaray nin Yahuudi ah waxaase lagu sameeyey dalka Mareykanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here