Dibad baxyo looga soo horjeedo Jen. Sisi oo maanta Qahira ka dhacay

140328083106_morsi_supporters_512x288_apBooliiska masar ayaa sheegay in sunta dadka ka ilmaysiisa ay u adeegsadeen taageerayaasha ururka la mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiin-ka oo dibedbaxayay.

Wakaalada wararka ee dawladda ayaa shaacisay in dad qaadaya hal ku dhagyo ka dhan ah militeriga ay isugu soo baxeen koonfurta caasimadda, balse durbadiiba la kala diray

Xubno dheeri ah oo ka tirsan laamaha ammaanka ayaa la geeyay magaalada Qaahira kaddib markii taageerayaasha Ikhwaanul Muslimiinka ay ku baaqeen dibedbaxyo ay uga soo horjeedaan go’aanka taliyihii hore ee militeriga Cabdalfatax Al-Sisi uu ku shaaciyay in uu u tartamayo Madaxwaynenimada dalkaas.

Masar waxaa hareeyay dibedbaxyo iyo daganaansho la’aan tan iyo sanadkii hore markii xilka laga tuuray Maxamad Mursi iyo xukuumadiisii Islaamiga ahayd.

Dhowr maalmood ka hor ayay maxkamad dil ku xukuntay 500 oo ah taageerayaasha Mursi, kuwaas oo lagu eedeeyay inay gaysteen dil iyo rabshado.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here