Dibad Baxyo Lagu Taageerayo Madaxweynaha Cusub Soomaaliya oo Ka Socda Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya waxaa maanta ka socda dibad baxyo ballaaran oo lagu taageeraayo Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay la doortay ka dib doorasho si fiican u dhacay oo Muqdisho ka dhacday.

Fagaarayaasha waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa dad u badan haween, dhalinyaro iyo aqoonyahano kuwaasoo wata sawirada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Fagaaraha, Tarbuunka, Sayidka, Isbartiibada iyo xarumo kale ayaa ka mid ah meelaha ay dadka isugu soo baxeen ee ay dibad baxyadu ka dhigayaan.

Sikastaba Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka guuleystay Shariif Sheekh Axmed oo ahaa Madaxweynihii hore ee TFG-dii dhamaatay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here