Dibad-baxyada & rabshadaha Itoobiya ka socda oo sii xoogeystay

dibadbaxHogaamiyaha mucaaradka ugu weyn ee Ethiopia ayaa dalbaday in “maxaabiista siyaasadeed” la sii daayo iyadoo dibad baxa dawlada ka dhanka ah uu wali socdo.

hadalka ayaa ka yimid Tiruneh Gamta, hoggaamiyaha kooxda qabaailka Oromada , kuwaas oo tirada ugu weyn ee dibad baxa uu dhankooda ka socdo.

Sida laga soo xigtay kooxda ilaalada xuquuqda aadanaha ee fadhigoodu yahay New York, ugu yaraan 500 oo qof ayaa lagu dilay tan iyo markii ay bilaabatay xasillooni darada bishii November.

Kumanaan ayaa sidoo kale la xiray, ayay kooxaha xuquuqda raaciyeen , islamarkaana qaar ka mid ah ayaa laga warhaynin tan iyo markii la xidhay.

“Waxaan rabnaa in dhammaan maxaabiista siyaasadeed, iyadoo aan loo eegin siyaasadooda ama diinta ama caqiidada, xabsiga laga sii daayo, waxaan sidoo kale u baahan nahay xuquuqda dimuqraadi ,” ayuu Gamta u sheegay Al Jazeera.

Dawladda ayaa beeniyay in rabshadaha ciidamada ammaanka uu yahay ugu talagal” iyagoo ballan qaaday in ay bilowayaan baadhitaan madax-bannaan, kuna eedeeyay kooxaha mucaaradka gudaha iyo dibadda ee dalka iyo waxa ay ugu yeereen xubnaha “nabad-diidka” iney kicinayaan qalalaasaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here