Dibad-bax dad ku dhinteen oo maanta ka dhacay Boosaaso

Banaanbax rabshado wato oo ka dhacay Boosaaso
Banaanbax rabshado wato oo ka dhacay Boosaaso

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso  Ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta halkaa uu ka dhacay Banaanbax rabshado wata oo ay dad ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ugu yaraan 2 Qof ayaa dhimatay 5 kalena Dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii ay isku dhaceen Ciidamada Maamulka Puntland iyo Dad Banaanbax dhigayay oo qaarkood Hubeysnaa.

Dadka Dibadbaxa dhigayay ayaa la sheegay in ay ka soo horjeedeen  Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo Xilal laga qaaday iyo sidoo kale Dad Ciidamada Puntland ay Xirxireen.

Boosaaso ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here