Dibad-bax maanta Muqdisho ka dhacay Sawiro

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay isu soo bax ballaaran oo ay sameeyeen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan xaafadaha Banaadir, banaa-baxyadaan ayaa lagu taageerayaa Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul was are Saacid, sidoo kalena loogu soo horjeedo Mooshinka ay wadaan qaar ka mid ah Xilibaanada baarlamaanka.

Barxada Sayidka ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa isugu soo baxay dad weyne aad u farabadan, kuwaasoo wata halkudhigyaal ay ku muujinayaan sida ay u taageersanyihiin Xukuumada Saacid, waxayna dadkaan isku soo baxay ay muujiyeen ineey aad uga soo horjeedaan Mooshinka ay wadaan qaar kamid ah xubnaha {Baarlamanka Soomaaliya}.

Waxaa sidoo kale Hotel Naasa-Hablood 2 ee magaalada Muqdisho shalay ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen in ku dhaw 100 xildhibaan oo taageersan Xukuumada Federaalka kuwaasi oo sheegay in la joojiyo mooshinka kalsoonida loogala noqonayo Xukuumada.

Xilibaano katirsan barlamanka oo ay horboodayaan Xilibaanada kala ah Shariif Xasan iyo Galeyr oo ah shaqsiyaad horay ugu soo caanbaxay lug gooyada doowladihii soo maray Soomaaliya, ayaa maalmahaan waday Mooshin ay doonayaan ineey markale ku cuuryaamiyaan doowlada federalka oo haatan u muuqata mid ku guuleystay xiriirka Calamka iyo arimo badan.

Xilibaanadan Mooshinka wada ayaa waxaa u badan rag hogaamiyo kooxeedyo wadanka kasoo noqday, iyo rag markeey iska waayaan siyasada caadeystay qas iyo fowdo ineey wadanka Galiyaan.

Waxaa xusid mudan in maalinka Beri oo Arbaco ah lagu madlanyahay in baarlamaanka uu hortago Ra’iisul wasaare Saacid si uu u weydiisto codka Kalsoonida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here