Dib u dhiska xoog leh oo ka socdo magaalada Muqdisho (Sawrio)

Tan iyo bur burki ka dhacay dalka Soomaaliya mudo laga joogo 21 sano waxaa sii luudayey rajada dadka Soomaalida, halka ay sii kordheysay bur burinta ay dadka ku hayaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo marinada muhiimka ah.

Meelaha sida aadka ah loo bur buriyey waxaa ka mid ah dhismooyinkii dowlada ee magaalada Muqdisho iyo goobihi ka dhaxeeyey dadweynaha, hase yeeshee haatan waxaa muuqata in dadku ay rajo wanaagsan ka qabaan in magaalada ay kusoo laabato amaba ay talaabo u qaado dhanka dib u dhiski lagu yaqaanay.

Sanad ka hor dadku waxay is weydiinayeen sideey ku dhismi doontaa magaalada Muqdisho oo sidan u bur burtay isla markaana ay daqaro iyo dhaawacyo xoogan gaarsiiyeen dhismooyinkeedii dagaalo, madaafiic iyo bambooyin ay isu adeegsadeen dhinacyadi isaga danbeeyey iskana soo horjeeday ee caasimada isku lagday.

Hada marka aad mareyso wadada isku xirto KM-5 ilaa iyo madaxtooyada waxaa kaaga muuqanayo is badal weyn, iyadoo la dayac tiray guryihi ku taxnaa laamiga hareerihiisa qaar kalana haatan la dhisayo ama la dayactirayo.

Dad badan ayaa is weydiinayey sida su,aasha ah sidee lagu dhisayaa guryahan sidaan u bur buray ka hor inta aysan bilaaban dib u dhiska laakin waxaa igu soo dhacday in wax walba la dhisi karo marka qof walba uu isaga gurigiisa dhexda u xirto inuu hagaajiyo.

Waxaa kale oo igu soo dhacday hal ku dhiga caanka noqday ee Soomaaliyeed ee ah nin walboo madaxaada meyrax ku xiro, oo micnaheedu noqonayo qof walbaa isaga tiisa haka adkaado oo yuusan eegin shaqooyinka u yaala dadka kale.

Si kastaba ha ahaatee, meelaha la dhisayo kuma eka oo qura wadooyinka, ee waxaa la dhisayo ayaa waxaa ku jira qaar ka mid ah wadooyinka laamiga ah ee isku xira isgoyska Zoobe ilaa iyo kan dabka.

Dadka intiisa badan ayaa muujinaya yadadiilada ah in magaalada Muqdisho ay si dhaqso ah u dhismi doonto hadii ay hagaagto nabada haatan socod baradka ah ee ka bilaabatay magaalada Muqdisho.

By: Sami Adow