Dib u Dhac lama Filaan ah oo ku Imaaday Dhaarinta Golaha Wasiirada Xukuumadda Cusub

Iyadoo maanta lagu madalsanaa in la dhaariyo Wasiirada cusub ee Xukuumadda dalka Soomaaliya ayaa arintaasi waxaa ku yimid dib udhac ballaaran’ Mid kamid ah Baarlamaanka Somalia oo iminka ku sugan xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa shabakadda Markonews u sheegay inuu dib udhac ku yimid dhaarinta Wasiirada cusub ee shalay la ansixiyay.

Wuxuu sheegay in qaar kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay u xaqiijiyeen in dib udhac uu ku yimid dhaarinta xubnaha wasiirada ah ee gaaraya 10-wasiir.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Dhaarinta Golaha wasiiradda loo baajiyay sababo la xiriira Wafdigii ka socday Dowladda Turkiga taasoo la sheegay inay sababtay in dib u dhac uu ku yimaado Dhaarinta Golaha, Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sii guda galay ka doodista Xeerhoosaadka Baarlaamanka Soomaaliya oo maalamahan dambe ay ka doodayeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here