Dib u dhac ku yimid xiliga doorashada aqalka sare ee Baarlamanka

Shirma madasha wadatashiga MuqdishoMaanta oo Axad ah taariikhduna tahay 9/25/2016 ayay balantu ahayd in maamul goboleedyadu soo gudbiyaan liiska xubnaha kamid noqonaya aqalka sare Baarlamaanka soo socda.

Guddiga Doorashadda Dadban ee Heer Federal ayaa horey u shaaciyey inay Maamul-gobaleedyadda bishan September 25-da soo gudbiyaan Xubnaha Xildhibaandd ee uga mid noqonayo Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka.

Sababha dhaliyey Dib-u-dhca ayaa la filayaa inay Guddiga Doorashadda Dadban ka hadlaan, si loo ogado waxa dib u dhigay magacaabista 54-ka xubnood ee Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Barlamanka.

Dib-u-dhacaasi ayaa la rumeysan inay u sabab yihiin:-

Maamul-gobaleedka Hiiraan iyo SH/dhexe oo aan weli la dhisin, lana soo xuli Karin Xubnihii u matali lahaa Aqalka Sare ee Barlamaanka.

Cuqaasha iyo Siyaasiyiinta Somaliland oo weli qaadacsan Saami-qeybsiga Labada Aqal ee Barlamaanka.

Maamulladda Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo K/Galbeed oo aan weli si rasmi ah u soo gudbinin Liiska Xildhibaanadda u matalayo Aqalka Sare.

Guddiga Doorashadda Dadban ee Heerka Federl waxay bishii hore soo bandhigeen Jadwalka Doorashadda, kaasi oo lagu qeexay:-

  • In Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Barlamaanka la doorto bishan September 25-da.
    In Dhaarinta Xildhibaannada dhacdo bisha October 25-da.
    In Guddoonka Baarlamaanka la doorto bisha October 25-da.
    In Madaxweynaha la doorto bisha October 30-da.
    Si kastba ha ahaatee, Dib-u-dhaca xubnaha Aqalka Sare ayaa laga yaabaa inay sababi karto Dib-u-dhac Baahsan oo ku yimaada Xilligii loo qoondeeyey Doorashadda Guddoomiyaha Barlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here