Dib u dhac ku yimid ansixinta golaha wasiirada dowlada federalka Soomaaliyeed

Qorshe lagu doonayay in lagu horkeeno golaha baarlamaanka golaha wasiirada dowlada federalka ah ayaa dib u dhac uu ku yimid.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin sababta keentay dib u dhaca ku yimid ansixinta golaha wasiirada cusub ee dhowaan uu ku dhowaqay R/wasaare Saacid.

Golaha baarlamaanka Somaaliyeed oo maanta kulmay ayaa waxa ay ka doodeen xeer hoosaadyada baarlamaanka uu ku dhaqmayo kadib markii ay suurtogeli weyday in baarlamaanka la horkeeno golaha wasiirada.

Waxaana ka dhacay magaalada Muqdisho banaanbax lagu dalbanayo in la horgeeyo golaha wasiirada xukuumada federalka ee noqotay dowladii ugu wasiirada yareyd ee soo marta muddo dheer dalka Soomaaliya.

Kulankii maanta ay isugu yimaadeen mudanayaasha baarlamaanka ayaa goobta uu shirku ka dhacayay iyo agagaarkeedaba waxaa la dhigey ciidamo badan oo amniga suga kadib markii dhowaan uu qarax ka dhacay halka ay dhigtaan baabuurta mudanayaasha baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here