Dib u dajin loo sameeyay Qoysas ku barakacay Fatahaada wabiga Shabelle

1466142_629371957101773_1230912850_nCiidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Shabeelada Dhexe, gaar ahaan magaalada Jowhar, ayaa maanta dib u dajin u sameeyay Boqolaal qoys oo ku bara baxay Fatahaadihii ku dhuftay Shabeelada Dhexe.

Ciiamada AMISOM, ayaa qoysaskaan dajiyay, deegaan dhinaca Galbeed kaga beegan magaalada Jowhar, waxaana tiradooda lagu sheegay ilaa 920 qoys.

“Dib u dajin ayaan u sameynay qaar ka mid ah qoysaskii faratahaadaha iyo colaaddii Shabeellada dhexe ku barakacay, waxaana dajinnay tuulooyin aad u ammaan badan,” ayuu yiri Col. Isaaq oo ah madaxa AMISOM ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Sarkaalkan oo la hadlayay idaacadda dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshayaal ay ku doonayaan inay dib ugu sameeyaan qoysaskii ku barakacay musiibooyinkii ka dhacay gobolka.

Mid ka mid ah qoysaska dib u dajinta loo sameeyay oo isaguna idaacadda la hadlay ayaa sheegay inay aad u wanaagsan yihiin ayna ku faraxsan yihiin in dib u dajin ay u sameyso AMISOM.

“Waxaan ahay qoysas ka barakacay fatahaadihii iyo colaadihii gobolka shabeellada hoose ka dhacay, xaaladdeennu markii hore aad ayay u liidatay, haddana aad ayay u wanaagsan tahay, waxaana halkan daggannahay dhowr casho,” ayuu yiri ruuxa la hadlay idaacadda.

Doowlada Federaalka Soomaaliya, ayaan ilaa iyo hada si dhab ah ugu gurman shacabka Shabeelada Dhexe oo ay isugu darsameen Fatahaadaha Wabiga iyo Colaado sokeeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here