Dhuusamarreeb oo uu ka furmay tartanka degmooyinka gobalka Galgaduud

Dhuusamarreeb oo uu ka furmay tartanka degmooyinka gobalka Galgaduud
Xuquuqda Sawirka Radio Muqdisho

Magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobalka Galgaduud waxaa Jimcihii shaley ka furmay tartan kubadda cagta oo ay ka qaybgalayaan qaar ka mid ah degmooyinka ka dhisan gobalka Galgaduud.

Tartanka waxaa daah furay guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geedo-Qoroow), wuxuuna sheegay in tartankan looga gun lee yahay siddii ay isku dhegali lahaayeen dhallinyarada ku nool gobalka oo dhan.

“Ciyaaraha noocaan ah ee is-dhaxgalka bulshada gobolka si joogto ah ayaan u qaban doonnaa, waxaana rajaynayaa in dhawaan ay dhammaan degmooyinku ay ka soo wada qeyb galaan tartanka xiga ee aan qaban doonno” ayuu yiri guddoomiye Geedo-Qoroow.

Cayaarta furitanka waxaa nasiib u yeeshay oo lagu furay tartabka ayaa furay Guriceel iyo Cabudwaaq waxaana ay cayaartooda ku dhammaatay barbardhac 1 gool iyo 1 gool.

Sidda ay sheegayn qaban qaabiyaasha tartanka, waxaa ka qaybgalaya ilaa shan koox oo kala ah Dhuusamrreeb, Guriceel, Cabudwaaq, Balanballe iyo Cadaado.

Waxaana tartanka ka soo qaybgalin degmada Ceelbuur oo dhawaan laga saaray Al-Shabaab iyo Gal-Hareeri iyo Ceel-Dheer oo ay wali ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Dad weynaha ku nool Dhuusamarreeb ayaa soo dhaweeyay tartanka ka billowday degmadooda, waxaana ay sheegeen in kooxaha kale ay soo dhaweyndoonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here