Dhuusa mareeb oo Saaka Xoog looga saaray Guryo Shacabku degganaayeen

dhuusa-mareebMaamulka Degmada Dhuuso mareeb ee Gobolka G/gaduud ayaa waxay dhawaan soo saareen Amar ah in laga guuro guryaha Dawlada ee ku yaalla Degmadaasi.

Inkastoo Amarkaasi jiray ayaa hadana saaka waxa waaberigii laga war helay ciidan ka amar qaata Maamulka Dhuuso mareeb oo bur burin ku bilaabay iyo inay xoog kaga saaraan Shacabkii deggenaa Guryahaasi.

Dadka deggan Guryaha Dawladu leedahay waxay ku andacoonayaan inaysan heysanin meel ay uguuraan ama ay deggaan.

Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Dhuuso mareeb ayaa mar ay saxaafada wax ka weydiisay hadii ay jiraan meel ay uballan qaadeen dadkaan ayey ka gaabsadeen ka jawaabida arintaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here