Dhismooyin xoogleh oo ka socda Suuqa weyn ee Bakaaraha{sawiro}

Suuqa bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn wadanka soomaaliya iyo magaalada Muqdisho, ayaa hada waxaa kasoconaya dhismooyin aad uxoogan, dhismooyinka ayaa waxay ubadanyihiin labada wado ee lagu kala magacaabo,wadada koowaad iyo wadada labaad,waana labada wado ee ugu muhiimsan suuqa bakaaraha,maadaamo ay intaba badan baabuurta badeecada soo galisa suuqa ay soo maraan.

Dadka ku ganacsada suuqa ayaa kuu sheegaya markaad weydiiso sababta ka danbeysa dhismooyinkan faraha badan,in ay wadanka soo galeen qurbo joog aad ufarabadan,kuwaasoo doonaya ineey maal gashi kusameystaan wadanka,maadaama ay hada magaalada tahay mid nabdoon kadib marki laga saaray A-lshabaab.

Dhanwalbo oo suuqa kamid ah waxaa kasocda dhismooyin ubadan dabaqyo dhaadheer,qaarkood ayaaba biyaanooyin dhulka hoose loo dhisay.

Maxamed cali oo kamid ah ganacsatada ka baayac mushtarta qalabka dhismaha ayaa waxa uu iisheegay in dhismaha faraha badan ay sabab utahay shamiitada oo aad raqiis u ah, “walaahi saaxibow markii hore dadka waxay ka carari jireen shamiitada oo qaali ah iyo alwaaxyada, laakiin hada qiimihii lakala siisan jiray way soo jabeen sidaas ayaana keentay ineey bataan dhismooyinka” ayuu maxamed cali yiri.

Hadaba kusoo dhowaada sawiro aan idinkaga soo qaadnay dhismayaal cusub oo kasoconaya suuqa Bakaaraha:

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here