Dhismooyin caan ah oo ku yaalla Muqdisho ayaan weli helin dayactir Warbixin iyo Sawirro

Magaalada Muqdisho tan iyo sannadkii horre waxaa ka socday dhismooyin
iyo dib u dhis lagu sameenaayo meelo badan oo ku yaalla magaalada.

Arrintan ayaa ka dambeesay nabadgalyada iyo ammaanka magaalada ka
jirtay taasoo dad badan ku dhalisay in ay dhismooyin casri iyo dib u
dhis ka sameeyay magaalada gaar ahaan wadadda Makah Al-Mukaramah ee
magaalada Muqdisho.

Haddaba maanta oo Axad ah waxaa qaar ka mid ah wariyaasha Shabakadda
Midnimo xafiiska Muqdisho ay booqdeen dhismooyin caan ah oo ku yaalla
magaalada gaar ahaan degmooyinka Xamar-Wayne iyo Shangaani.

Dhismooyinka oo aad qaar badan ku arki doontaan sawiradda waxa ay ka
mid ahaayen kuwa ugu caansan magaalada xilligii barisamaadka.

Waxaa tan iyo sannadkii 1991-dii xilligaas oo dalka ay ka billowdeen
dagaallo sokeeye ku burburay dhismooyinka waaweyn oo magaalada ku
yaallay.

In kastoo dhismooyino badan oo ku burburayn dagaaladii sokeeye haddana
qaar badan waxaa hadda lagu sameeyay ama ka socda dib u dhisyo.

Halkan waa kaaniisadii hore ee degmada Xamarwayne waxa ay ka mid ahayd
goobaha caanka ah ee ku yaallay magaalada Muqdisho, waxaa hadda ka
muuqda burbur baaxad leg, waxa ay hooy u tahay xayawaanada sida Eeyda
iyo Mukuleelaha iyo carruurta darbi jiifka ah.

Dhismahan waxaa ka muuqda burbur iyadoo horrey looga daldashay
dhagxaantii yaalay dhismaha Kaniisadda.

Sidoo kale dhismahan waxaa hadda laga dhisayaa xarun lagu tababaro
macalimiinta Soomaaliya, waxaana dhisaya dowladda Turkiga.

Sida ay u sheegeen Shabakadda Midnimo saraakiisha ku howlaan dhismaha
xaruntan waxaa lagu wadaa in lagu tababaro macalimiin badan oo wax u
tara dalka.

Waxaa dhismahan la sheegay in uu ka mid yahay dhismooyin badan oo
Turkiga uu ka dhisaayo magaalada Muqdisho.

Meelaha kale ee wariyaasha Shabakadda Midinimo waxaa ka mid ah
Dhismaha Jirda Xuseen oo ahaa ganacsade caan ah.

Dhismahan waxaa ka muuqda burbur baahsan waxaana uu ku yaallaa degmada
Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, dhismooyinkan oo ka mid ahaa kuwii ugu caansanaa magaalada
Muqidsho oo ku yaalla degmooyinka ugu horreeyay magaalada, ayaan helin
dib udhis iyo dayactir toona, waxaana ay hadda ka mid yihiin kuwa ugu
horreeya ee xagga burburka ee magaalada ka dhisan.

Inta badan magaalada Muqdisho waxa ay dhismooyinka iyo dib u dayac
tirka ka socdaan waddada Makah Al-Mukaramah illaa shaqaalaha iyo Suuqa
bakaaraha.
W/Q: Bahda Shabakadda Midnimo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here