Xaalada Degmada Buuhodle ayaa degan kadib dagaal xoogan oo maanta ku dhexmaray duleedka degmadaasi ciidamada maamulka Soomaliland iyo kuwa Khaatuma State
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay waxa ay kakala sheegteen guulo
Afhayeen u hadlay maamulka Somaliland ayaa sheegay in dagaalka lagu soo qaaday dhankooda islamarkaana ay iska difaaceen sida uu sheegayna ay qasaaro gaarsiiyeen ciidamadii maamulka Khaatuma State ee dagaalka soo qaaday waxa uu intaa raaciyay in dhankooda 2 askari ay kaga dhinteen dagaalka 3 kalena ay kaga dhaawacmeen
Dhinaca kale masuul u hadlay maamulka Khaatuma State ayaa sheegay in dagaalka dhankooda lagu soo qaday islamarkaana ay soo qaadeen sida uu sheegay ciidamada maamulka Somaliland balse ay iska caabiyeen waxana uu qirey in dhankooda ay khasaaro soo gaartay sidoo kalena ay khasaare iyaguna gaarsiiyeen ciidamadii Somaliland
Xaalada deegaanadii lagu dagaalamay ayaa degen iyadoo ay jiraan baaqyo soo baxaya oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka khilaafkana lagu dhameeyo wadahadal.
Baaqyada ugu dambeeyey ayaa waxaa soo jeediyey madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo.